|

Baarlamaanka oo dhammaystiray dooda wax ka beddelka Dastuurka

Warar · Ilhaan · February 26, 2026
Baarlamaanka oo dhammaystiray dooda wax ka beddelka Dastuurka
Baarlamaanka oo dhammaystiray dooda wax ka beddelka Dastuurka
In Summary

Baarlamaanka ayaa dhammaystiray dooda wax ka beddelka Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay marxaladda ka doodista soo-jeedimaha wax ka beddelka Dastuurka, kadib fadhiyo xiriir ah oo ay xubnaha labada gole si wadajir ah uga yeesheen qodobbada kala duwan ee Dastuurka.

Kulanka maanta, oo ahaa kulankii 23-aad ee kalfadhiga 7-aad ee fadhiyada wadajirka ah, waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur. Waxaa ku wehelinayay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Cali Shacbaan Ibraahim, Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare, Cabdullaahi Cali Xersi, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Sanatarrada iyo xildhibaannada, oo maanta u ahayd gebagebada ka doodista cutubyadii ugu dambeeyay ee dib-u-eegista Dastuurka, ayaa si qoto dheer uga aragti dhiibtay qodobbada la xiriira Amniga Qaranka iyo qodobbo guud. Waxay soo gudbiyeen talooyin iyo aragtiyo wax-ku-ool ah oo ku wajahan xoojinta nidaamka amniga dalka iyo tayeynta qodobbada guud ee Dastuurka, si ay ula jaanqaadaan baahiyaha dowladnimo iyo duruufaha isbeddelaya.

Gunaanadkii kulanka, Guddoonka Labada Aqal ayaa bogaadiyay hannaanka miro-dhalka ah ee ka doodista dib-u-eegista Dastuurka, iyagoo ku ammaanay mudaneyaasha kaalintooda firfircoon iyo ka-qaybgalka wax-ku-oolka ah. Waxay xuseen in aragtiyaha iyo fikradaha la soo bandhigay ay si weyn uga qeyb qaadanayaan tayeynta nuxurka wax ka beddelka Dastuurka.

Sidoo kale, Guddoonka ayaa faray guddiyada u xilsaaran arrimaha Dastuurka inay si farsamo, habraac iyo waafaqsan shuruucda u soo qaabeeyaan dhammaan talooyinka iyo aragtiyaha la dhiibtay, si loogu diyaariyo marxaladaha xiga ee geeddi-socodka dib-u-eegista iyo ansixinta Dastuurka Qaranka.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.