Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka
Baarlamaanka oo maanta loo qeybinayo cutubyadii ugu dambeeyay ee Dastuurka
Xildhibaannada labada Aqal—Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare—ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeelanaya xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa diiradda lagu saaraya soo bandhigista cutubyada 10-aad iyo 11-aad ee Dastuurka dalka.
Kulankan wuxuu ka dambeeyay ka doodistii iyo dhammaystirkii cutubyada 5-aad ilaa 9-aad, oo la soo gabagabeeyay Axaddii toddobaadkan. Hadda waxaa la guda galayaa dhammaystirka cutubyada ugu dambeeya ee ka harsan Dastuurka, iyadoo la filayo in la soo afjaro dib-u-eegista Dastuurka oo socotay tan iyo 2012, isla markaana uu soo bandhigo Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa hore u caddeeyay in dowladdiisu ay dhammeystiri doonto Dastuurka, inkastoo geeddi-socodkan uu la kulmay caqabado siyaasadeed, oo ay ku jiraan mucaarad diiddan wax ka beddelka Dastuurka. Kulanka maanta wuxuu imanayaa xilli ay sii kordhayaan khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya Golaha Mustaqbalka iyo Dowladda Federaalka, kuwaas oo hore u saameeyay wada-hadallada siyaasadeed ee dalka.
Waxaa sidoo kale la filayaa in maanta lagu soo bandhigo Ararta cusub ee Dastuurka, taasoo la sheegay inay la jaanqaadayso baahiyaha iyo himilooyinka qaranka. Guddiyada arrintan u xilsaaran ayaa xaqiijiyay in cutubyada la soo bandhigayo ay waafaqsan yihiin ujeeddooyinka iyo mabaadi’da qaranka.
Cutubyada maanta la soo bandhigayo waxaa ka mid ah:
-
Cutubka 10-aad: Shaqaalaha Rayidka ah
-
Cutubka 11-aad: Nidaamka Maaliyadda Guud
-
Cutubka 12-aad: Difaaca iyo Amniga Qaranka
-
Cutubka 13-aad: Qodobbo Guud
Munaasabadda ayaa sidoo kale diiradda lagu saari doonaa dhammaystirka iyo hirgelinta cutubyadan, iyadoo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya lagu wargelin doono waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan ansixinta iyo meel-marinta qodobada la soo bandhigay.