Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida
Trump oo markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar iyo Soomaalida
Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa khudbad uu u jeediyay Congress-ka Mareykanka kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ugu horreeyaan siyaasadaha dhaqaalaha iyo socdaalka.
Intii uu khudbadda jeedinayay, Trump ayaa mar kale soo hadal qaaday Soomaalida, isagoo ku eedeeyay inay ku lug lahaayeen lunsasho lacageed. Wuxuu sidoo kale shaaciyay in madaxweyne ku-xigeenka JD Vance uu hoggaamin doono dadaal ka dhan ah wax-is-daba marinta. Hadalkaas ayaa si adag uga falcelisay xildhibaannada Kongareeska ee Soomaaliyeed, gaar ahaan Ilhan Omar.
Trump ayaa hadallo deelqaaf ah si gaar ah ula beegsaday bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota. Wuxuu ku andacooday in “burcad-badeed Soomaaliyeed” ay ku lug lahaayeen musuq-maasuq ka dhacay gobolkaas, isagoo sheegay in lacago badan la lunsaday.
Arrimaha wax-is-daba marinta iyo musuq-maasuqa ayuu tusaale uga soo qaatay Minnesota, isagoo ku dooday in lacago gaaraya 19 bilyan oo doolar la lunsaday—sida uu hadalka u dhigay.
Ilhan Omar, oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga kana soo jeeda Minnesota, isla markaana ah gabadhii ugu horreysay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Congress-ka, ayaa si cad uga hortimid hadalka Trump. Iyadoo istaagtay ayay si kulul ugu jawaabtay, kuna tilmaantay hadalladiisa kuwo been abuur ah.