Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baaq u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Madaxweyne Xasan Sheekh oo Baaq u Diray Shacabka Soomaaliyeed
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed iyo dhammaan Ummadda Muslimiinta, isaga oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalka.
Madaxweynaha ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay habeen iyo maalin u taagan yihiin difaaca nafta iyo maalka shacabka. Wuxuu ku bogaadiyay dadaalka ay ku bixinayaan sugidda amniga, xoreynta iyo xasilinta dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay inay ilaaliyaan danta guud, gaar ahaan amniga, isla markaana ay xoojiyaan midnimada iyo wadajirka bulshada, si loo gaaro nabad iyo horumar waara.