Soomaaliya iyo Dalal Muslim ah oo Maanta Bilaabay Soonka Ramadaan
Soomaaliya iyo Dalal Muslim ah oo Maanta Bilaabay Soonka Ramadaan
Malaayiin Muslimiin ah oo ku nool daafaha dunida ayaa maanta u ah maalintii koowaad ee bisha Ramadaan, kaddib markii dowladda Sacuudi Carabiya ay ku dhawaaqday in Arbacada ay tahay maalinta ugu horreysa ee soonka.
Toban waddan oo Islaam ah ayaa xaqiijiyay in la arkay bisha Ramadaan fiidkii Talaadada, taasoo Arbacada ka dhigaysa maalinta 1-aad ee Ramadaan sanadka 1447 Hijriga.
Dalalka ku dhawaaqay bilaabashada soonka maanta waxaa ka mid ah Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxrayn, Kuwait, Yemen, iyo sidoo kale Ciraaq iyo Lubnaan.
Dalka Suudaan, Golaha Fiqiga Islaamka ayaa isna ku dhawaaqay in Arbacada ay tahay maalinta koowaad ee Ramadaan. Soomaaliya ayaa sidoo kale kamid ah dalalka maanta laga soomayo.
Dhanka kale, dalal kale ayaa shaaciyay inaan la arkin bisha, sidaas darteedna ay Khamiista noqon doonto maalinta koowaad ee Ramadaan. Waxaa ka mid ah Suuriya, Turkiga, Masar, Singapore, Urdun, Liibiya iyo Aljeeriya.
Dalka Indonesia, Wasaaradda Arrimaha Diinta ayaa ku dhawaaqday in Khamiista ay noqon doonto maalinta ugu horreysa ee Ramadaan. Sidoo kale, Cumaan ayaa horay u shaacisay in soonku bilaaban doono Khamiista.
Dhanka kale, Morocco iyo Mauritania ayaan weli si rasmi ah u shaacin taariikhda laga bilaabayo soonka dalalkooda.