|

Wasiir Fiqi iyo Mas’uuliyiin Kale oo Gaaray Shabeellada Hoose

Warar · Ilhaan · February 17, 2026
Wasiir Fiqi iyo Mas’uuliyiin Kale oo Gaaray Shabeellada Hoose
Wasiir Fiqi iyo Mas’uuliyiin Kale oo Gaaray Shabeellada Hoose
In Summary

Wasiir Fiqi iyo Mas’uuliyiin Kale oo Gaaray Shabeellada Hoose

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay weheliyaan Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Yuusuf Cali iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaannada Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Socdaalkan ayaa ujeeddadiisu ahayd dib-u-dejin lagu sameeyo qoysaskii ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ka dumisay guryahoodii kana barakicisay deegaannadan.

Mas’uuliyiinta ayaa fulinayay ballanqaadkii Dowladda ee xasilinta deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab, iyo dardargelinta howlaha dib-u-soo-kabashada bulshada.

Intii ay halkaas joogeen, dadka deegaanka ayaa lagu wareejiyay guryo cusub oo la dhisay kaddib xoreyntii deegaannada. Sidoo kale, waxaa la gaarsiiyay raashin iyo adeegyo gargaar oo loogu talagalay qoysaska danyarta ah, si loo xoojiyo nolol-maalmeedka bulshada loona dedejiyo dib-u-dhiska deegaannada xorta ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.