|

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika

Warar · Ilhaan · February 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika
Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika
In Summary

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo Ka Qaybgalay Shirka Ganacsiga Afrika

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa khudbad muhiim ah ka jeediyay Shirka Ganacsiga Afrika, oo ay ka soo qeybgaleen madax, ganacsato iyo daneeyayaal heer gobol iyo heer caalami ah.

Khudbaddiisa ayuu ku soo bandhigay horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha, xoojinta hay’adaha dowliga ah iyo abuurista jawi maalgashi oo xasilloon. Waxa uu adkeeyay sida ay uga go’an tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya dhiirrigelinta ganacsiga, soo jiidashada maalgashiga shisheeye iyo xoojinta iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Afrika iyo caalamka.

Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay hodan ku tahay fursado maalgashi, gaar ahaan dhinacyada dekedaha, beeraha iyo kalluumeysiga. Wuxuu ugu baaqay maalgashadayaasha caalamiga ah inay ka faa’iideystaan fursadahaas istiraatiijiga ah.

Intii uu shirku socday, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa kulamo gaar-gaar ah la yeeshay madax iyo daneeyayaal kala duwan, si loo xoojiyo iskaashiga dhaqaale loona dardargeliyo dadaallada lagu horumarinayo maalgashiga iyo ganacsiga Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.