Wasiir Fiqi oo Xoojinta Iskaashiga Kala Hadlay Safiirka Shiinaha
Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi
Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Jamhuuriyadda Dadka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu.
Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xoojinta iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida ka gaareen furimaha la-dagaallanka argagixisada, iyo doorka saaxiibada caalamiga ah ay ku leeyihiin taageerada iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday muhiimadda ay xasilloonida Soomaaliya u leedahay nabadda iyo amniga guud ee gobolka Geeska Afrika, iyagoo adkeeyay baahida loo qabo iskaashi joogto ah.
Ugu dambayn, Wasiir Fiqi ayaa hambalyo u diray Dowladda iyo Shacabka Shiinaha, gaar ahaan Safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya, munaasabadda Sannadka Cusub ee Shiinaha, isagoo muujiyay sida ay Soomaaliya u qiimeyneyso xiriirka soo jireenka ah ee labada dal.