|

Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho

Warar · Ilhaan · January 31, 2026
Wafuud hordhac u ah Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta soo gaaraya Muqdisho
Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doonta mas’uuliyiin
In Summary

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doonta mas’uuliyiin

Wafuud hordhac u ah madaxweyneyaasha maamul-goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa maanta la filayaa inay soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo gogol-xaar u ah booqashada la filayo inay caasimadda ku yimaadaan madaxweyneyaasha labadaas maamul.

Wafuuddan ayaa lagu wadaa inay diyaariyaan safarka iyo kulamada ay Muqdisho ku yeelan doonaan madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo la xiriira arrimo siyaasadeed oo xasaasi ah.

Sidoo kale, wafuudda ayaa kulamo la qaadan doonta mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo sii ambaqaado wadahadallada ku saabsan arrimaha doorashooyinka, dastuurka, iyo xoojinta midnimada dalka.

Dhanka kale, Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inuu berri ka furmo magaalada Muqdisho, iyadoo kulankan lagu tilmaamay mid xasaasi ah marka loo eego xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Waxaa sidoo kale Muqdisho soo gaaraya xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ku maqnaa dibadda, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona shirka.

Dood adag ayaa la filayaa inay dhex marto Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland, Deni iyo Axmed Madoobe, iyo sidoo kale siyaasiyiinta ku mideysan Madasha Mucaaradka.

Imaanshaha wafuuddan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro is-faham darro iyo kala aragti duwanaansho u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada, taas oo sababtay in si weyn isha loogu hayo natiijada kulamada la filayo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.