|

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Warar · Ilhaan · January 31, 2026
Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti
Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti
In Summary

Abiy Axmed oo Jigjiga ku soo dhaweeyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Dr. Abiy Axmed, ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee magaalada Jigjiga ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Madaxda ayaa ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Gerad Wilwaal, halkaas oo si rasmi ah loogu soo dhaweeyay, iyagoo ay wehliyeen mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka Itoobiya iyo Dowladda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Jabuuti, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, ayaa magaalada Jigjiga u yimid ka qaybgalka xafladda xarig-jarka mashruuca dalxiiska ee loo bixiyay “Shabeelleey”, kaas oo ay hirgelisay Dowladda Deegaanka Soomaalida, islamarkaana loogu talagalay horumarinta dalxiiska iyo bilicda magaalada.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu door weyn ka qaato kobcinta dhaqaalaha deegaanka, kor u qaadista dalxiiska, iyo abuurista fursado shaqo oo cusub.

Imaanshaha madaxdan sare iyo ka qaybgalka munaasabaddan ayaa muujinaya iskaashiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta, amniga, iyo xiriirka siyaasadeed.

Waxaa sidoo kale la filayaa in inta ay ku sugan yihiin magaalada Jigjiga ay madaxdu yeeshaan kulamo gaar ah oo ay kaga wada hadli doonaan arrimo la xiriira iskaashiga gobolka, xasilloonida, iyo horumarinta dhaqaalaha.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.