|

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta iyo Hindiya

Warar · Ilhaan · January 30, 2026
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta iyo Hindiya
Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta iyo Hindiya
In Summary

Soomaaliya oo ka qeyb galaysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka Carabta iyo Hindiya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa gaaray magaalada New Delhi, caasimadda Jamhuuriyadda Hindiya, si uu uga qeyb galo Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Carabta iyo Hindiya (Indian Arab Meeting of Foreign Ministers).

Ka qeybgalka Soomaaliya ee shirkaasi ayaa ujeedkiisu yahay xoojinta wada-hadalka siyaasadeed, ballaarinta iskaashiga dhaqaale, iyo horumarinta iskaashiga Koonfur-Koonfur (South-South Cooperation).

Shirkan ayaa la filayaa inuu diiradda saaro xoojinta xiriirka iskaashi ee u dhexeeya dalalka Carabta iyo Hindiya, iyadoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka ka qeybgalaya wada-hadalladaasi.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.