|

Kulanka Golaha Shacabka Oo Diiradda Lagu Saaray Amniga Saybarka Soomaaliya

Warar · Ilhaan · January 10, 2026
Kulanka Golaha Shacabka Oo Diiradda Lagu Saaray Amniga Saybarka Soomaaliya
Kulanka Golaha Shacabka Oo Diiradda Lagu Saaray Amniga Saybarka Soomaaliya
In Summary

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka,

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku yeeshay xarunta Golaha Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 28-aad, waxaana shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Ugu horreyn, Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), ayaa Golaha ka hor akhriyay liiska Xildhibaanada ka maqnaa kulanka, gaar ahaan kuwa haysta fasaxyada rasmiga ah iyo kuwa aan fasaxa haysan.

Intaas kaddib, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey laba Xildhibaan oo kala ah:

  • Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi, oo ku muteystay joogteynta kulamada Golaha iyo shaqada guddiga uu ka tirsan yahay.

  • Xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale, oo lagu bogaadiyey waxqabadkiisa la xiriira arrimaha bulshada.

Dhinaca kale, Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya, kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada.

Warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise Sharciyeedka ayaa Golaha u faahfaahiyey Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow, oo ka tirsan Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka. Xildhibaanada ayaa si qoto dheer uga dooday qodobada hindise sharciyeedka iyo muhiimadda uu u leeyahay sugidda amniga dijitaalka ah iyo nidaamka isgaarsiinta dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa faray guddiga ku shaqada leh Hindise Sharciyeedka Amniga Saybarka Soomaaliya in ay ku daraan aragtiyada iyo dooda Xildhibaanada, isla markaana ay Golaha dib ugu soo celiyaan Akhrinta Saddexaad.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.