|

Maxaa Looga Hadlay Kulanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?

Warar · Ilhaan · January 10, 2026
Maxaa Looga Hadlay Kulanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?
Maxaa Looga Hadlay Kulanka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya?
In Summary

Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ay wehelinayeen Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta shir-guddoomiyay Kalfadhiga 7-aad, Kulankiisa 13-aad ee Aqalka Sare.

Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim u ah nidaamka caafimaadka iyo kan maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo kala ahaa:

  • Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka

  • Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka

Ugu horreyn, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Xaaji Aadam, ayaa Golaha Aqalka Sare u soo bandhigay warbixinta Akhrinta Koowaad ee Hindise-Sharciyeedka Dawooyinka. Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay muhiimadda uu sharcigani u leeyahay nidaaminta, tayeynta iyo sugidda badqabka dawooyinka dalka la keeno, isaga oo tilmaamay doorka uu ka qaadanayo horumarinta adeegyada caafimaadka iyo daryeelka bulshada.

Dhanka kale, Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Aqalka Sare, Mudane Ibraahim Awgaab Cismaan, ayaa Sanatarrada la wadaagay warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka. Waxa uu sharraxay wax-ka-beddellada, toosinta iyo hagaajinta ay guddigu ku sameeyeen qodobada sharciga, iyagoo kaashanaya sharciyaqaannada Golaha.

Intaa kaddib, Sanatarrada Aqalka Sare ayaa galay dood iyo aragti-dhiibasho ku saabsan Hindise-Sharciyeedka Hannaanka Lacag-bixinta Qaranka, iyagoo soo jeediyay talooyin iyo fikrado lagu xoojinayo hufnaanta, daahfurnaanta iyo tayeynta nidaamka maaliyadeed ee dalka.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo soo xiray kulanka, ayaa uga mahadceliyay Sanatarrada ka qayb qaatay doodda, isaga oo faray Guddiga Maaliyadda in ay dib u habeeyaan sharciga, iyagoo tixgelinaya talooyinka la soo jeediyay, si loogu diyaariyo Akhrinta Saddexaad ee kama dambaysta ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.