Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo Si Adag uga Horyimid Qorshaha Israa’iil ee Somaliland
Golaha ayaa si cad ugu baaqay in si degdeg
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC) ayaa si cad oo adag uga horyimid isla markaana cambaareeyay go’aanka hal dhinac ah ee ay Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland, oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, inay tahay dal madax-bannaan.
Goluhu wuxuu sheegay in tallaabadan ay si toos ah halis ugu tahay madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo xasilloonida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay khilaafsan tahay mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo nidaamka caalamiga ah.
Golaha ayaa si cad ugu baaqay in si degdeg ah looga noqdo go’aankaas qaldan, isagoo mar kale xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, si waafaqsan Axdiga Aasaaska Midowga Afrika, gaar ahaan Qodobka 4 (e) iyo (i) ee Heshiiska Golaha Nabadda iyo Amniga, iyo sidoo kale qodobada khuseeya ee Axdiga Qaramada Midoobay.
Goluhu wuxuu soo dhaweeyay bayaanka uu soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Mahmoud Ali Youssouf, 26-kii Diseembar 2025, kaas oo si cad u diiday tallaabo kasta ama qorshe kasta oo lagu aqoonsanayo waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) dal madax-bannaan. Bayaan kaas ayaa lagu sheegay in ficillada noocan ah ay khatar ku yihiin nabadda iyo xasilloonida Qaaradda, isla markaana ay wiiqayaan himilada Afrika mideysan, barwaaqo ah, oo nabdoon, sida ku cad Ajandaha 2063.
Golaha Nabadda iyo Amniga ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan jirin cid xaq u leh ama awood u leh inay beddesho xuduudaha dal xubinta ka ah Midowga Afrika, isla markaana tallaabo kasta oo noocaas ah ay tahay mid sharci-darro ah, waxba kama jiraan ah, isla markaana aan wax saamayn sharci ah lahayn.
Sidoo kale, goluhu wuxuu xusuusiyay in isku day kasta oo lagu beddelo xuduudaha dalalka iyadoo la adeegsanayo xoog ama hab sharci-darro ah uu yahay mid si toos ah uga hor imaanaya Axdiga Midowga Afrika, isla markaana abuuri kara tusaale khatar ah oo saameyn ballaaran ku yeesha nabadda, amniga iyo xasilloonida Afrika, gaar ahaan gobolka Geeska Afrika.
Goluhu wuxuu uga digay in tallaabooyinka noocan ah ay carqaladeynayaan dadaallada amni ee wadajirka ah iyo mabaadi’da la isla gartay ee Midowga Afrika, ayna halis ku yihiin xasilloonida guud ee Qaaradda.
Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa ugu baaqay dhammaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika iyo saaxiibada caalamka inay dib u xaqiijiyaan madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeestaan fal kasta oo sharci-darro ah, isla markaana ay taageeraan midnimada Afrika, sharciyadda caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka. Waxa kale oo uu ku booriyay dalalka xubnaha ka ah inay taageeraan dadaallada Qaramada Midoobay ee lagu ilaalinayo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo tallaabo kasta oo wadajir ah oo laga qaado Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Goluhu wuxuu sidoo kale ugu hambalyeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya dadaallada ay ku bixisay dhismaha dowladnimada, isagoo ku dhiirrigeliyay inay sii waddo wadahadallada gudaha dalka, kuwaas oo loo arko dariiqa kaliya ee waxtarka leh ee lagu xallin karo khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah. Arrintan darteed, goluhu wuxuu ka codsaday Guddiga Midowga Afrika, isaga oo kaashanaya IGAD iyo Bulshada Bariga Afrika (EAC), inay sii wadaan taageerada iyo fududeynta wadahadallo wada-dhan ah oo nabadeed.
Ugu dambeyn, Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa xusuusiyay muhiimadda ay leedahay xoojinta guulihii la gaaray iyo dardar gelinta dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta ah ee Al-Shabaab, isagoo caddeeyay inuu si dhow ula socon doono arrintan, isla markaana sii ahaan doono mid firfircoon oo ku hawlan.