|

Jaamacadda Carabta oo Si Adag u Cambaareysay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa

Warar · Ilhaan · January 7, 2026
Jaamacadda Carabta oo Si Adag u Cambaareysay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa
Jaamacadda Carabta oo Si Adag u Cambaareysay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ee Hargeysa
In Summary

Jaamacadda Carabta ayaa booqashadaas ku tilmaantay isku day fashilmay

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Mudane Axmed Abul-Qeyd, ayaa si kulul u cambaareeyay booqashada uu maanta, 6-da Janaayo 2026, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ku tagay magaalada Hargeysa ee waqooyiga Soomaaliya.

Jaamacadda Carabta ayaa booqashadaas ku tilmaantay isku day fashilmay oo lagu doonayo in lagu meelmariyo tallaabada Israa’iil ee aqoonsiga gooni-isu-taagga waqooyi-galbeed Soomaaliya, taas oo ka baxsan sharciyadda dowladnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Abul-Qeyd ayaa mar kale adkeeyay mowqifka cad ee Jaamacadda Carabta ee ah diidmo buuxda oo ku wajahan wax xiriir rasmi ah ama mid u eg oo lala yeesho maamul kasta oo gooni-goosad ah, kana baxsan xayndaabka madax-bannaanida Dowladda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu xusay in tallaabooyinkan ay si cad u jebinayaan midnimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya, isla markaana khatar ku yihiin nabadda iyo amniga gobolka, iyagoo sii hurinaya xiisadaha siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya, Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Afhayeenka Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Jamaal Rashiidi, ayaa sheegay in tallaabadan oo si caalami ah iyo Carab ahaanba loo diiday lana cambaareeyay, ay Golaha Jaamacadda Carabta kulankii 28-kii Diseembar 2025 ku tilmaameen mid baadil ah, waxba kama jiraan, isla markaana aan la aqbali karin.

Wuxuu intaas ku daray in Jaamacadda Carabta ay muujisay walaac la xiriira isku dayo lagu fududeynayo qorshayaal lagu barakicinayo shacabka Falastiin, iyo sidoo kale in dekedaha Soomaaliya loo adeegsado dhisidda saldhigyo ciidan.

Ugu dambeyn, Jaamacadda Carabta ayaa xaqiijisay inay sii wadi doonto taageerada siyaasadeed iyo tan farsamo ee ay siiso hay’adaha Dowladda Soomaaliyeed, si looga hortago isku day kasta oo lagu abuuro khilaafyo cusub oo wiiqa midnimada, madax-bannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, ama lagu waxyeelleeyo marin-biyoodka Carbeed ee istaraatiijiga ah.

 

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.