Israa’iil oo Sheegatay Inay Aqoonsatay Somaliland
Maamulka Somaliland
Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in Dowladda Israa’iil ay si rasmi ah u aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland, kaddib kulan khadka fogaan-aragga ah (video conference) oo dhex maray Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Somaliland, kulankaasi ayaa lagu muujiyay is-afgarad siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo istiraatiiji ah, iyadoo Israa’iil ay qirtay xaqa ay Somaliland u leedahay aqoonsi buuxa iyo qaranimo, isla markaana lagu heshiiyay in la bilaabo wejigii ugu horreeyay ee xiriir rasmi ah oo dhexmara labada dhinac.
War-murtiyeedka ayaa intaas ku daray in aqoonsigan ay Somaliland u aragto mid taariikhi ah, kaas oo furi kara bog cusub oo ku aaddan iskaashi caalami ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tiknoolajiyadda iyo diblomaasiyadda, isla markaana xoojin kara doorka Somaliland ee nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Madaxweyne Cirro u fidiyay marti-qaad booqasho rasmi ah oo uu ku tago Israa’iil, si looga wada hadlo danaha iyo arrimaha mudnaanta u leh labada dhinac.
Warkan ayaa imanaya xilli Somaliland ay muddo dheer baadi-goob ugu jirtay aqoonsi caalami ah, inkasta oo ilaa hadda uusan jirin wax bayaan ah oo si madaxbannaan uga soo baxay Dowladda Israa’iil ama hay’adaha caalamiga ah oo arrintan xaqiijinaya.