Doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir oo saaka ka bilaabatay Muqdisho
Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho
Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Muqdisho doorashada Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyadoo shacabka Muqdisho ay u dareereen goobaha codbixinta ee loo asteeyay 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.
Doorashadan ayaa waxaa ka qeybgalaya 20 urur siyaasadeed, waxaana lagu soo dooran doonaa 390 kursi oo ka tirsan Golaha Deegaanka ee Gobolka Banaadir. Sidoo kale, waxaa doorashadan ka qeybgalaya 1,604 musharax, taas oo ka dhigaysa doorashadan tii ugu horeysay oo dadweynaha si toos ah u codeynayaan.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo wadooyinka muhiimka ah lagu arkayo ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa sidoo kale si ku meel gaar ah loo xiray, halka dowladda Soomaaliya ay ciidamadii ugu badnaa ku daabushay duleedka magaalada si loo sugo ammaanka goobaha doorashada.
Doorashadan ayaa la tilmaamayaa inay tahay tallaabo muhiim ah oo ka mid ah geeddi-socodka dimuqraadiyadda Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, taas oo fureysa baal cusub oo dhanka doorashada ah kadib muddo dheer oo dalka lagu maamulayey doorashooyin aan toos ahayn.
Si kastaba ha ahaatee, doorashada waxaa ka maqnaa qaar ka mid ah mucaaradka, gaar ahaan Madasha Mucaaradka Samatabixinta Soomaaliyeed, kuwaas oo doorashadaas ku diiday inay ka qeyb galaan.
Doorashadan ayaa ah mid lahaansho dadweyne, waxaana dadka codkooda dhiibanaya ay kala dooran doonaan xisbiyo iyo ururo siyaasadeed oo gaaraya ilaa 20 urur.