Xildhibaanada Labada Aqal ee BFS oo ka dooday Miisaaniyadda DFS ee Sanadka 2026
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka
Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka, iyagoo galay kalfadhiga 7-aad kulankiisa toddobaad. Kulanka ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana wehelinayay Guddoomiye ku-xigeennada labada Aqal ee Baarlamaanka.
Kulanka wadajirka ah oo ku furmay kooram dhan 169 Xildhibaan, ayaa ajandihiisu ahaa Akhrinta Labaad ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2026. Akhrinta labaad ee warbixinta miisaaniyadda waxaa mudanayaasha u akhriyey Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Miisaaniyadda, Maaliyadda, Qorsheynta, Iskaashiga Caalamiga ah iyo La Xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullaahi.
Intaas kaddib, iyadoo ay kulanka joogeen mas’uuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda, Xildhibaanada labada Aqal ayaa su’aalo iyo aragtiyo kala duwan ka dhiibtay miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2026, gaar ahaan kororka ku yimid iyo meelaha loogu talo-galay in lagu bixiyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa faray guddiyada maaliyadda ee labada Aqal in ay soo diyaariyaan Akhrinta Saddexaad ee miisaaniyadda, iyagoo ku daraya doodaha iyo talooyinka Xildhibaanada, si dib loogu soo celiyo Golaha looguna marsiiyo akhrinta ugu dambeysa.