|

Deni oo Xalay Kulan Casho ah la Qaatay Xildhibaannada Puntland— Muxuu kala hadlay?

Warar · Ilhaan · December 9, 2025
Deni oo Xalay Kulan Casho ah la Qaatay Xildhibaannada Puntland— Muxuu kala hadlay?
Deni oo Xalay Kulan Casho ah la Qaatay Xildhibaannada Puntland— Muxuu kala hadlay?
In Summary

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni,

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xalay xarunta madaxtooyada Garoowe kulan casho ah kula qaatay xildhibaannada baarlamaanka, isagoo uga warbixiyay safarkiisii dibadda iyo xaaladda siyaasadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa safarkiisa Imaaraadka Carabta ku sheegay mid isaga u gaar ahaa oo la xiriiray arrimo caafimaad. Sidoo kale wuxuu sheegay inuu u ambabixi doono magaalada Nairobi, halkaas oo ay kulan ku yeelan doonaan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya iyo dalalka daneeya siyaasadda dalka.

Xildhibaannada kulanka ka qeybgalay oo gaarayay 40 ayaa madaxwaynaha la wadaagay arrimo ay sheegeen in wax laga qabto, kuwaas oo ay ka mid yihiin garsoorka Puntland, xilal muddo dheer bannaan, iyo mas’uuliyiin ay ku tilmaameen kuwo aan ku habboonayn shaqooyinka ay hayaan.

Inkasta oo madaxweynuhu uu la kulmay xildhibaanno badan oo taageersan siyaasaddiisa, hadana waxaa jiray kuwo ka soo horjeeday habka uu u maamulayo arrimaha Puntland.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.