Dilal ka dhacay Beledxaawo iyo faahfaahino ka soo baxaya
Wararka ka imaanaya magaalada
Wararka ka imaanaya magaalada Beledxaawo ayaa sheegaya in siyaabo kala duwan dilal ugu dhaceen gudaha magaalada. Xaafadda Farjano ayaa xalay lagu dilay afar qof oo shacab ah, iyadoo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo.
Sidoo kale saaka waxaa isla degmada lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Booliska oo lagu magacaabi jiray Faarax Dheere. Shalay ayaa sidoo kale magaalada lagu dilay qof kale, taas oo kordhisay tirada dhacdooyinka amni darrada ah.
Inta la ogyahay, lix qof ayaa 24 saac gudahood lagu dilay bartamaha degmada Beledxaawo. Ammaanka magaalada ayaa faraha ka baxay, waxaana shacabka soo wajahday cabsi xooggan.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, maamulka degmada, ama kan gobolka Gedo.