Soomaaliya iyo Aljeeriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo Amniga
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Aljeeriya ayaa qaaday tallaabo cusub oo lagu xoojinayo xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, kaddib kulan diblomaasiyadeed oo heer sare ah oo magaalada Aljeer ku dhexmaray Wasiir Dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, iyo Saalma Bekhta Mansuuri, oo ah Xoghayaha Dowladda ee Wasiirka Arrimaha Dibadda Aljeeriya u qaabilsan Arrimaha Afrika.
Kulanka oo socday muddo saacado ah ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga dhanka siyaasadda, si labada dal ay u yeeshaan aragti mideysan oo ku saabsan arrimaha gobolka iyo kuwa qaaradeed, iyadoo sidoo kale la falanqeeyay fursadaha lagu xoojin karo doorka Soomaaliya iyo Aljeeriya ay ka qaadanayaan geeddi-socodka nabadda iyo xasilloonida Afrika.
Dhinaca dhaqaalaha, labada mas’uul waxay ka wada hadleen sidii loo kobcin lahaa iskaashi wax ku ool ah oo dhex mara labada dowladood, gaar ahaan dhinacyada maalgashiga, ganacsiga, tamarta, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha. Aljeeriya ayaa shaacisay diyaar u ahaanshaha ay u leedahay in ay Soomaaliya kala shaqeyso mashaariic horumarineed oo muhiim u ah dib u dhiska dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Dhanka amniga, kulanka waxa lagu soo qaaday xoojinta iskaashiga ka dhanka ah argagixisada, iyadoo Aljeeriya ay ku ballanqaadday in ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan tababarrada iyo khibradaha la xiriira la dagaalanka kooxaha xagjirka ah. Labada dhinac ayaa isla gartey in amniga Afrika uu yahay mid ka dhashay mas’uuliyad wadajir ah oo aan hal dal lagaga adkaan karin.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isdhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha muhiimka ah ee qaaradda Afrika, sida xasiloonida Geeska Afrika, dhibaatooyinka isku socodka ganacsiga, iyo hindisayaasha lagu dhisayo iskaashi dhaqan-dhaqaale oo waxtar leh. Waxaa la xusay muhiimada ay leedahay in la abuuro hannaan joogto ah oo labada dal ka caawiya inay u midoobaan arrimaha istaraatiijiga ah ee danaha wadajirka ah.
Kulanka waxaa goob-joog ka ahaa Danjire Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego), Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya, oo door muuqda ka qaatay fududeynta wada-hadallada iyo kobcinta xiriirka labada dowladood.
Dhamaadka kulanka, labada mas’uul waxay muujinteen dhammaan diyaar garowgooda ku aaddan in la hormariyo qorshayaal cusub oo lagu dardar-gelinayo wada shaqeynta labada dal, iyadoo la filayo in kulamo dheeri ah oo heer wasaaradeed iyo heer madax sareba ay dhacaan bilaha soo socda.