|

Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

Warar · Ilhaan · May 21, 2025
Kulan Doodwadaag Ah oo Looga Hadlayay Xaaladda Xorriyadda Saxaafadda oo Ka Dhacay Muqdisho

Muqdisho – Kulan doodwadaag muhiim ah oo diiradda lagu saarayay xaaladda xorriyadda saxaafadda iyo caqabadaha horyaalla suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa ka qabsoomay xarunta Safaaradda Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Hay’adda IMS (International Media Support) iyo Safaaradda Sweden ee Soomaaliya, waxaana kasoo qayb galay madaxda ururrada warbaahinta, wakiillo ka socday beesha caalamka, iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ururrada warbaahinta ee kulanka ka qayb galay waxaa ka mid ahaa:

  • SOMA

  • SIMHA

  • SWJO

  • MAP (oo ka dhisan Puntland)

  • SJS

  • MWN

  • MEDIA COUNCIL

Dhanka dowladda, waxaa kulanka goob-joog ka ahaa xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, oo uu horkacayay Agaasimaha Guud ee wasaaradda, Cabdullaahi Xayir Ducaale. Sidoo kale, wakiillo ka socday safaaradaha Midowga Yurub, Sweden, iyo Denmark ayaa iyaguna ka hadlay kulanka.

Qodobada ugu waa weyn ee laga dooday waxay ahaayeen:

  • Xaaladda suxufiyiinta iyo xadgudubyada lagula kaco

  • Caqabadaha ay la kulmaan warbaahinta madaxa bannaan

  • Tallaabooyinka lagama maarmaanka ah ee lagu ilaalin karo xoriyadda hadalka iyo badqabka wariyeyaasha

Wakiillada beesha caalamka ayaa soo bandhigay kiisaska tacaddiyada loo gudbiyay, halka madaxda ururrada warbaahinta ay si gaar ah u xuseen xaaladihii ugu dambeeyay ee wariyeyaasha lagu dhibaateeyay, gaar ahaan dhacdooyin ka dhacay labadii bilood ee u dambeeyay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Cabdullaahi Xayir Ducaale, ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ilaalinta xoriyadda hadalka, isla markaana ay diyaar u yihiin xalinta tabashooyinka ay qabaan suxufiyiinta iyo hay’adaha warbaahinta.

Gabagabadii kulanka, dhinacyadu waxay isla garteen muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo helo xal waara oo lagu xaqiijinayo xorriyadda saxaafadda, laguna ilaaliyo xuquuqda suxufiyiinta Soomaaliyeed.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.