Golaha Shacabka oo Ka Shiray Ajendeyaasha Kalfadhiga
Kulankii Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeisa. Kulankan waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).
Guddoomiyaha Golaha, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xubnaha Guddiga Joogtada ka warbixiyey howlaha Golaha Shacabka, gaar ahaan shuruucda muhiimka ah ee u baahan in la dhammeystiro inta ka dhiman kalfadhiga lixaad.
Kadib, xubnaha Guddiga Joogtada ayaa warbixinno ka soo jeediyey guddiyadii kala duwan, iyaga oo ka hadlay shuruucda hortaala iyo habraacyada weli u baahan in la qabto. Ugu dambeyn, waxaa lagu heshiiyey ajendeyaasha Golaha ee toddobaadka soo socda, waxaana la sameeyey jadwal rasmi ah oo ku saabsan howlahaas.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), oo kulanka soo xiray, ayaa xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay si degdeg ah u wadaan hawsha Golaha, maadaama uu soo dhow yahay gabagabada kalfadhiga lixaad.