|

Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Warar · Ilhaan · May 15, 2025
Golaha Wasiirrada oo Ansixiyay Heshiis Is-Afgarad Amni oo Soomaaliya la gashay Sacuudi Carabiya

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, waxaana lagu ansixiyay heshiis is-afgarad ah oo muhiim ah oo ku saabsan milatariga iyo amniga, kaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la saxiixatay Dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiiskan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ka mid ah dadaallada xukuumaddu ugu jirto xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada amniga iyo la dagaallanka alshabaab

Kulanka oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixinno muhiim ah oo la xiriira xaaladda guud ee amniga dalka, horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha alshabaab, iyo guulaha ciidamadu ka gaareen howlgalada socda.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada ayaa warbixin ka dhageystay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo ku saabsan diyaar-garowga xajka sannadkan, iyo Guddiga Taakuleynta Dagaalka Khawaarijta oo la wadaagay xog ku saabsan kaalmooyinka iyo taageerada ay siiyeen ciidamada iyo deegaannada la xoreeyay.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u muujisay in heshiiska lala galay Boqortooyada Sacuudiga uu kor u qaadayo awoodda difaaca dalka, isla markaana uu fure u yahay iskaashi ballaaran oo dhinaca amniga ah oo labada dal dhexmara.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.