|

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Warar · Ilhaan · February 24, 2026
Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas
Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas
In Summary

Diyaarado dagaal oo duqeymo ka fuliyay Maxaas

Diyaarado dagaal ayaa saaka duqeymo culus ka fuliyay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, iyadoo weerarrada lala beegsaday xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Duqeymaha ayaa lagu bartilmaameedsaday aagag ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka, gaar ahaan godad iyo fariisimo la sheegay inay ku sugnaayeen.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in duqeyntu si toos ah u beegsatay goobaha ay ku jireen dagaalameyaasha, iyadoo wararka hordhaca ah ay tilmaamayaan in khasaare xooggan uu gaaray maleeshiyaadka.

Gobolka Hiiraan ayaa haatan waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada, kaasoo lagu doonayo in looga saaro deegaannada ay ku leeyihiin saldhigyada iyo meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.