|

Hakan Fidan: “Aqoonsiga Israa’iil Waa Nasiib-darrada Ugu Weyn ee Ku Dhici Karta Somaliland”

Warar · Ilhaan · January 10, 2026
Hakan Fidan: “Aqoonsiga Israa’iil Waa Nasiib-darrada Ugu Weyn ee Ku Dhici Karta Somaliland”
Hakan Fidan: “Aqoonsiga Israa’iil Waa Nasiib-darrada Ugu Weyn ee Ku Dhici Karta Somaliland”
In Summary

Hakan Fidan, oo ka hadlayay arrimo badan oo la xiriira xaaladda

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa si adag uga hadlay aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isagoo ku tilmaamay tallaabadaas nasiib-darro iyo musiibo weyn oo ku dhacday Somaliland.

Hakan Fidan, oo ka hadlayay arrimo badan oo la xiriira xaaladda caalamka iyo siyaasadaha gobolka, ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil uusan wax faa’iido ah u ahayn Somaliland, balse uu yahay mid dhaawacaya sumcaddeeda iyo mustaqbalkeeda siyaasadeed.

“Waxaan u arkaa aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland inuu yahay musiibada ugu weyn ee ku dhici karta Somaliland. Maxaa ka weyn musiibo ku timaadda bulsho Muslim ah ama hay’ad siyaasadeed oo Muslim ah?” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga.

Wuxuu intaas ku daray in Somaliland aan lagu aqoonsan sabab la xiriirta xaq ama sharci, balse ay Israa’iil u adeegsanayso dano siyaasadeed oo gaar ah oo ay ka leedahay gobolka.

“Qofna ma aqoonsana, Israa’iil ayaana ku aqoonsatay. Ma aha sababta aad tahay, balse sababtoo ah waxaad u adeegaysaa ujeeddooyin xun iyo siyaasadooda gobolka,” ayuu sii raaciyay.

Hakan Fidan ayaa hadalkiisa ku tilmaamay tallaabadan mid ceeb iyo ciqaab weyn ah, isaga oo xusay in arrintani u baahan tahay is-xisaabin iyo ka fiirsasho dhab ah.

Hadalkan Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan cambaareynta caalamiga ah ee ka dhanka ah tallaabooyinka Israa’iil ee la xiriira aqoonsiga Somaliland, kuwaas oo dalal badan iyo hay’ado caalami ah ku tilmaameen kuwo khilaafsan sharciga caalamiga ah iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.