Dowladda Hindiya oo si Adag Uga Hor Timid Xadgudubka Israa’iil ee Ka Dhan ah Midnimada Soomaaliya
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya
Dowladda Hindiya ayaa si cad oo adag uga hortimid go’aankii ay Israa’iil ku aqoonsatay maamulka Somaliland, iyadoo ku tilmaantay tallaabo xadgudub ku ah madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku shaaciyay mowqifka rasmiga ah ee Dowladda Hindiya, isagoo xusay in uu jiro xiriir taariikhi ah oo soo jireen ah oo ka dhexeeya Soomaaliya iyo Hindiya.
“Waxaan sii adkaynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,” ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya, Randhir Jaiswal.
Hadalkan ayaa muujinaya taageerada buuxda ee Hindiya ay u hayso midnimada Soomaaliya, xilli ay sii kordhayaan cambaareynta caalamiga ah ee ku aaddan tallaabooyinka Israa’iil ee la xiriira arrimaha gudaha Soomaaliya.