|

Saciid Deni oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka PMPF, kadib cabasho ay muujiyeen

Warar · Dalsan Editor · February 2, 2023
Saciid Deni oo kulan la qaatay Saraakiisha Ciidanka PMPF, kadib cabasho ay muujiyeen
Madaxweyne Saciid & saraakiisha ciidanka PMPF

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo kormeeray Talliska Guud ee Ciidamada PMPF ayaa kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee PMPF Cabdirabbi Cabdisamed Maxamed, Agaasime Ku-xigeenka Maxamuud Silaal Cumar, Talliyaha Hawlgelinta G/S Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac iyo Saraakiisha sar-sare ee ciidamada.

Masuuliyiinta iyo Saraakiisha ciidamada ayaa Madaxweynaha Puntland uga warbixiyey shaqooyinka Amni ee u qabsoomay, tababarada ciidanka, dedaalada socda iyo shaqooyinka qorshaysan.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi ayaa  ku bogaadiyey ciidamada iyo hogaankoodaba hawlkarnimada, hufnaanta iyo dedaalka ay markasta heeganka ugu yihiin difaaca dalkooda iyo garab istaagga shacabkooda.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in kulanka uu Madaxweyne Saciid Deni la qaatay Agaasimaha Guud ee PMPF iyo ciidamada uu yimid, kadib markii dhawaan saraakiisha ciidamada PMPF ay cabasho ka muujiyeen maamulka sare ee ciidamada Badda Puntland.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.