Adeegyada Caafimaadka ee Gobollada oo Si Tartib ah u Soo Kabanaya
Gobollada dalka, gaar ahaan kuwa colaadaha saameeyeen, ayaa muddo dheer la daalaa dhacayay adeegyo caafimaad oo xaddidan. Si kastaba ha ahaatee, sanadihii u dambeeyay waxaa bilaabmay isbeddel muuqda oo lagu dhisayo xarumo caafimaad, laguna tababarayo shaqaale maxalli ah.

Magaalooyin badan ayaa hadda leh xarumo bixiya adeegyo aasaasi ah sida daaweynta guud, tallaalka carruurta, iyo daryeelka hooyada.
Inkastoo caqabado ay weli jiraan, haddana bulshada gobollada ayaa muujinaya rajo cusub, iyagoo dareemaya in adeegyada caafimaadka ay si tartiib ah ugu soo dhowaanayaan heer ay ku filan yihiin baahiyaha dadka deegaanka.
Waa hormar weyn oo la gaarey waxaana hormarkan si weyn uga mahadcelinaya dadka shacabka ah oo markii hore adeeg caafimaad oo ku filan aan heli jirin .