|

Jubbaland oo Faahfaahin ka Bixisay Dagaal Culus oo ka Dhacay Jamaame

Warar · Ilhaan · February 11, 2026
Jubbaland oo Faahfaahin ka Bixisay Dagaal Culus oo ka Dhacay Jamaame
Jubbaland oo Faahfaahin ka Bixisay Dagaal Culus oo ka Dhacay Jamaame
In Summary

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay khasaaraha ka dhashay dagaal culus

Maamulka Jubbaland ayaa shaaciyay khasaaraha ka dhashay dagaal culus oo ka dhacay deegaanka Maanbile, oo ku yaalla jiinka Wabiga Jubba, duleedka degmada Jamaame ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo lagu beegsaday maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Jubbaland, ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Ururka 162-aad ee Kumaandooska Danab iyo Ciidamada Nabad-Sugidda Jubbaland ayaa fuliyay howlgal qorshaysan oo lagu bartilmaameedsaday fariisimo iyo godad ay maleeshiyaadku ka qoteen jiinka wabiga.

Dagaalka, oo socday ku dhowaad afar saacadood, ayaa ku billowday weerar toos ah oo ay ciidamadu ku qaadeen goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka. Intii uu socday iska horimaadka, Al-Shabaab ayaa la sheegay inay sameeyeen iska-caabin xooggan, hase yeeshee ciidamada huwanta ah ayaa ugu dambeyn gudaha u galay godadkii ay ku jireen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in illaa 70 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab lagu dilay dagaalka, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale, maamulka Jubbaland wuxuu xusay in duqeymo cirka ah ay door muuqata ka qaateen jabinta maleeshiyaadka.

Maamulka Jubbaland ayaa howlgalka ku tilmaamay mid guul ah oo muujinaya iskaashi dhab ah oo u dhexeeya Ciidamada Jubbaland, Kumaandooska Danab iyo hay’adaha amniga, iyagoo ballanqaaday in la sii xoojin doono howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.