|

Israa’iil oo Ka Hadashay Wadahadallada u Dhexeeya Iran iyo Mareykanka

Warar · Ilhaan · February 9, 2026
Israa’iil oo Ka Hadashay Wadahadallada u Dhexeeya Iran iyo Mareykanka
Israa’iil oo Ka Hadashay Wadahadallada u Dhexeeya Iran iyo Mareykanka
In Summary

Israa’iil oo Ka Hadashay Wadahadallada u Dhexeeya Iran iyo Mareykanka

Dowladda Israa’iil ayaa ka hadashay wadahadallada socda ee u dhexeeya Iran iyo Mareykanka, iyadoo sheegtay in heshiis kasta oo laga gaaro wadaxaajoodyadaas uusan wax micno ah u yeelan doonin xaaladda amniga ee gobolka.

Wasiirka Tamarta Israa’iil, Eli Cohen, ayaa sheegay in heshiis macquul ah oo dhex mara Washington iyo Tehran aanu wax faa’iido ah soo kordhin doonin, isagoo xusay in maamulka hadda ka jira Iran aanu ahayn mid lagu kalsoonaan karo.

“Ma jiro wax macno leh oo laga filan karo heshiis lala galo maamulka hadda jira. Isbeddelka xukunka ee Tehran wuxuu dan u yahay dhammaan waddamada Islaamka ee ku xeeran Iran,” ayuu Eli Cohen Axaddii u sheegay wakaaladda wararka ee Israa’iil, Ynet.

Cohen ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay in Israa’iil ay qaadi doonto tallaabo kasta oo ay u aragto inay lagama maarmaan tahay, haddii ay soo baxdo khatar amni oo si toos ah u saameyneysa Israa’iil, xitaa haddii heshiis la gaaro.

Dhanka kale, wakiillo ka socda Iran iyo Mareykanka ayaa Jimcihii wada-hadallo aan toos ahayn ku yeeshay magaalada Muscat ee dalka Cumaan, kuwaas oo ay martigelisay dowladda Cumaan. Ilaa hadda lama shaacin waqtiga iyo goobta uu ka dhici doono kulanka xiga.

Sidoo kale, Golaha Wasiirrada Amniga Israa’iil, oo uu Eli Cohen xubin ka yahay, ayaa la filayaa inay maanta yeeshaan kulan looga arrinsanayo xaaladda amniga iyo wadaxaajoodyada Iran.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa lagu wadaa inuu Arbacada u safro magaalada Washington, halkaas oo uu wadahadallo kula yeelan doono Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, kuwaas oo diiradda lagu saari doono wadaxaajoodyada la xiriira Iran.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.