Qaramada Midoobay oo wajahaysa dhaqaalo-xumo baahsan
Warqad uu u diray safiirrada Qaramada Midoobay
Qaramada Midoobay ayaa wajahaysa xaalad dhaqaale oo adag, kaddib markii madaxa hay’adda uu ka digay halis burbur dhaqaale oo degdeg ah, taas oo ka dhalatay khidmadaha dalalka xubnaha ka ah ee aan la bixin iyo xeerarka miisaaniyadeed ee ku qasbaya hay’adda inay soo celiso lacago aan la isticmaalin oo laga yaabo inaysan mar dambe helin.
Warqad uu u diray safiirrada Qaramada Midoobay, Xoghayaha Guud Antonio Guterres ayaa sheegay in fulinta barnaamijyada hay’adda ay khatar ku jirto, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban caqabadaha dhaqaale ee taagan.
Afhayeen ku-xigeenka Qaramada Midoobay, Farhan Haq, ayaa sheegay in in ka badan 150 dowladood oo xubno ka ah ay bixiyeen khidmadahooda, hase yeeshee uu weli jiro deyn gaareysa hal bilyan iyo lix boqol oo milyan oo doollar.
Dhanka kale, Mareykanka oo ah dalka ugu deeqda badan Qaramada Midoobay ayaa diiday bixinta lacagaha waajibka ah, isla markaana hoos u dhigay taageeradii iskaa-wax-u-qabso ee uu siin jiray hay’adaha Qaramada Midoobay.