|

Trump oo Weerar Afka ah ku Qaaday Soomaalida iyo Ilhaan Cumar

Warar · Ilhaan · January 21, 2026
Trump oo Weerar Afka ah ku Qaaday Soomaalida iyo  Ilhaan Cumar
Trump oo Weerar Afka ah ku Qaaday Soomaalida iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar
In Summary

Trump oo Weerar Afka ah ku Qaaday Soomaalida iyo Xildhibaanad Ilhaan Cumar

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale hadallo aflagaado iyo dhaleeceyn isugu jira ku qaaday Soomaalida iyo dalka Soomaaliya, isaga oo arrintaas ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Aqalka Cad.

Trump ayaa Soomaaliya ku tilmaamay “meel aad u xun”, isagoo hadallo lid ku ah Soomaalida ka jeediyay, isla markaana si gaar ah u xusay muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota.

Trump ayaa yiri:
“Ma jirto cid ka hadlaysa in ugu yaraan 19 bilyan oo dollar ay ku maqan tahay Minnesota, inteeda badanna ay ku maqan tahay Soomaalida. Way qaateen, bal qiyaas? Waa dad ay garashadoodu yar tahay. Dadka kale way shaqaystaan lacag ayeyna helaan, ka dibna Mercedes Benz ayey gataan, halkaas ayayna ka yimaadeen. Iyagu lacagna ma haystaan, marnaba lacag ma aysan yeelan, nolol ma yeelan, marnaba xukuumad ma yeelan, dal ma aysan yeelan, waayo dalba ma jiro.”

Trump oo hadalkiisa sii wata ayaa mar kale ku adkeystay hadallo uu hore u sheegay, isagoo yiri:
“Soomaaliya xitaa dal ma aha. Soomaaliya ma laha wax xitaa u eg astaamihii dal lagu yaqaannay, waxaana loo arkaa halka ugu liidata dunida. Halkan ayey imaanayaan wayna taajirayaan, wax shaqo ahna ma hayaan.”

Dhanka kale, Trump ayaa si toos ah u aflagaadeeyay Xildhibaanadda Congress-ka Mareykanka Ilhaan Cumar, isagoo sheegay:
“Waxaa la ii sheegay in Ilhaan Cumar hantideedu ay gaareyso 30 milyan oo dollar. Marnaba ma aysan shaqayn. Waa xubin Congress oo turufatoore ah.”

Trump ayaa marar badan hore u weeraray Soomaaliya iyo muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka, hadalladiisana waxaa si weyn uga falceliya bulshooyin kala duwan iyo siyaasiyiin Mareykan ah.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.