|

Trump oo Canshuuro ugu Hanjabay Dalal Xulufo ah Kaddib Khilaafka Qorshaha Greenland

Warar · Ilhaan · January 18, 2026
Trump oo Canshuuro ugu Hanjabay Dalal Xulufo ah Kaddib Khilaafka Qorshaha Greenland
Trump ayaa sheegay inuu canshuuro cusub
In Summary

Trump ayaa sheegay inuu canshuuro cusub

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa hanjabaad culus u diray siddeed dal oo uu ku tilmaamay xulufo dhow, kaddib markii ay si cad uga horyimaadeen qorshihiisa la xiriira la wareegidda Greenland, arrin dhalisay cambaareyn ballaaran oo uga timid hoggaamiyeyaasha dalalkaas.

Trump ayaa sheegay inuu canshuuro cusub kusoo rogi doono dalalka Denmark, Norway, Sweden, France, Germany, UK, Netherlands iyo Finland, isagoo ku dhawaaqay in canshuur dhan 10% lagu soo rogi doono badeecadaha uga yimaada dalalkaas, taas oo dhaqan geli doonta 1-da Febraayo. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in canshuurahaasi mustaqbalka gaari karaan ilaa 25%, isla markaana ay sii jiri doonaan ilaa heshiis laga gaarayo arrinta Greenland.

Go’aankan ayaa si adag loo cambaareeyay, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, uu ku tilmaamay tallaabadan “gebi ahaanba khalad”, halka Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu sheegay in ay tahay mid aan la aqbali karin, kana hor imaaneysa xeerarka iskaashiga caalamiga ah.

Trump ayaa ku adkeysanaya in Greenland, oo ah dhul is-maamul ah kuna hoos jira Denmark, uu muhiim u yahay amniga qaranka Mareykanka, isagoo xusay in uu weli furan yahay dhammaan ikhtiyaarrada, islamarkaana uusan meesha ka saarin suurtagalnimada in xoog loo adeegsado.

Dhanka kale, kumannaan qof ayaa Sabtidii isugu soo baxay waddooyinka Greenland iyo Denmark, iyaga oo si weyn uga mudaaharaaday qorshaha Mareykanka ee la soo jeediyay, kuna baaqay in la ixtiraamo rabitaanka shacabka iyo madaxbannaanida dhulkaas.

Join the Conversation

Enjoyed this story? Share it with a friend:

Stay Bold. Stay Informed.
Get breaking news alerts and exclusive updates from Radio Delsan — delivered instantly.