Hay’addaha Samafalka ee ka hawlgala Somalia waxay maanta oo Isniin ah ka digeen in ugu yaraan 1.7 million oo Soomaali ku soo fool leedahay cunto-yarri u sabab ah Xilli-roobaadka oo dib u dhacay.
Hadal-qoraal oo ay si weadajir ah u soo saareen Hay’addaha Caalamiga iyo kuwa Maxaliga waxay ku baaqeen in Taageero Samafal oo degdeg ah lala soo gaaro, si ay u badbaadiyaan dadka khatarta ugu jira macluusha, waa sida ay hadalka u dhigeen.
Hay’adduhu waxay kaloo sheegeen inay sii kordhayso dadka ay soo wajihi karto cunto-yarida, taasi oo walaac xooggan xambaarsan
Qeylo-dhaantan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee ay Hay’addaha Gargaarka Caalamiga kaga digayaan Khatarta ka dhalan karta Cunto-yarida ku soo fool leh qeybo ka mid ah dalka Somalia.
Sida laga soo xigtay Warbixin la soo saaray bishii hore ee April ayaa waxaa lagu muujiyey in tirada guud ee dadka Soomaalida ee aan haysanin cunto ku filan ay sare u kacday ilaa 4.9 million oo qof.