Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay dib u soo celiyeen 70,516 Qaxooti Somali ah, kuwaasi oo iskooda ugu soo laabtay dalkooda hooyo tan iyo markii la bilaabay Hawlgalkaasi bsihii December ee sannadkii 2014-kii.
Qoraalka Toddobaadlaha ee ay Hay’adda UNHCR ka soo saareen magaalladda Nairobi ayaa lagu sheegay in 30,383 Qaxooti iskooda u soo laabteen sannadkan 2017-ka oo keliya.
UNHCR waxay kaloo sheegtay inay haatan is-diiwaan geliyeen 18.274 Qaxooti Somali, kuwaasi oo ku sugan Xeradda Dhadhaab ee Waqooyiga Kenya.
Dhinaca kale, Hay’adda waxay xustay intii ay socdeen Doorashadii Kenya inay yaraadeen tirade Qaxootiga doonaya inay iskooda ugu soo laabtaan dalkooda hooyo ee Somalia.
Si kastaba ha ahaatee, ku-dhawaad 900,000 oo Somali ah ayaa hataan Qaxooti ahaan ugu nool dalalka Kenya, Ethiopia, Uganda iyo Yemen.