Tahriibayaasha ayaa waxaa shalay laga soo badbaadiyey Badweynta Mediterranean-ka, kadib, markii loo gurmaday.
Afhayeenka Ilaaladda Xeebaha Talyaaniga ayaa sheegay inay qaadeen 19 Hawlgal Gurmad oo lagu so badbaadiyey 2,074 Thriibayaal la socotay 16 doonyah la buufiyo iyo 3 doonyaha Alwaaxda.
Maydka hal qof oo ka mid ah Tahriibayasha ayaa laga dhex helay mid ka mid ah doonyihii loo gurmaday.
Dhinaca kale, Hay’adda Muhaajiriinta Calamiga ee IOM ayaa sheegtay inay ku-dhawaad 32,000 oo Tahriibayaal ah sannadkan soo gaareen Qaaradda Europe, halka in ka badan 650 Tahriibayaal geeriyoodeen ama lagu la’ yahay Badda.
 ©Radio Dalsan
Â