Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Anwar Gargaash oo xalay ka hadlay magaalladda Dubai waxa uu sheegay inay DFS abuurayso Masiibo aan loo baahnayn, wuxuuna si kulul u cambaareeyey Diyaaradii Imaaraadka ee lacagta waday ee dhawaan lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
“ Dowladda haatan ka jirta Somalia waxay ku xadgudubtay Heshiisyo iyo Is-faham ay la galeen Imaaraadka†ayuu yiri oo jira Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibedda ee dalkaasi, Anwar Gargaash.
Waxa uu intaasi ku daray inay DFS Xiisado aan muhiim ahayd u abuurayso Saaxiib iyo Isbahaysi si loo joojiyo xaalladaha madow ee Deganaanshaha iyo Ammaanka Somalia, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirku waxa uu ugu baaqay Dowladda Somalia inay muujiso Caaqilnimo iyo sababta ay ku guuleysan karto.
Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmay, iyada oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta si kulul u cambaaraysay Diyaaradii Lacagtii waday ee bishan April 8-dii lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Wakaalladda Wararka Imaaraadka ee WAM ayaa sheegtay in Lacagtaasi loogu talagalay in mushaar ahaan loo siiyo Ciiddanka Somalia ee ay Imaaaradka tababaraan.
Wakaalladda waxay kaloo sheegtay inuu jirsay Heshiis ay Dowladda Imaaraadka la gashay DFS jaka saxiixdeen Heshiiska Iskaashiga Milliteriga bishii November ee sannadkii 2014-kii