Hay’adda Samafalka ee The Khalifa Bin Zayed Al Nahyan Foundation ayaa soo gebagebaysay Mashruuc Biyo-xireen oo laga hirgeliyey magaalladda Hargeysa, kaasi oo loogu talagalay in lagu kaydiyo Biyaha, si loo isticmaalo marka la gaaro Xilliga Abaaraha.
Dhismaha Biyo-xireenka oo qaatay muddo 13-bilood ayaa qeyb ka ah Ololaha Dowladda Imaaraaadka ee Lacagaha loogu ururinayo si loogu gurmado dadka ku macluulsan Somalia.
Munaasabadda lagu daah-furayey Mashruucaasi waxaa ka qeyb galay Wasiirka Arrimaha Dibedda Maamulka Somaliland, Dr. Sacad Cali Shire iyo mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Gargaarka ee Khalifa Foundation.
Eng. Wassim Haaruun oo Madax ka ah Shirkadda dhistay Biyo-xireenkaasi ayaa sheegay in uu biyo xireenku ku fadhiyo dhul dhan 150 mitir, isla markaana lagu kaydin karo 350,000 Â ee cubic meter.
Waxa kale oo uu tilmaamay in Xilliga Abaaraha maalin kasta laga dhaansan doono 650,000 oo gallons.
Dhinaca kale, Dowladda Imaaraadka Carabta waxay sannadkan u aqoonsatay Sannadkii Wax-isa-siinta, taasi oo loogu tala-galay in lagu xoojiyo doorka Imaaraadka ee Deeqaha Samafalka iyo inay Farriin u noqoto sidii xal loogu heli lahaa Macluusha ka jirta Somalia.
Xigasho: WAM
©Radio Dalsan