Ilwaad Elman waa gabar Soomaaliyeed oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha bulshada, muddana ka howlgalaysay gudaha magaalada Muqdisho.
Ilwaad oo ku soo barbaartay qurbaha waxna ku baratay ayaa markii dambe go’aansatay inay dalkeeda hooyo dib ugu laabato si ay gacan u gaysato soo kabshada dalka.
Haatan Ilwaad dadeelkii waxaa aqoonsatay Qaramada Midoobay oo u magacowday inay ka mid noqoto la taliyeyaasha dhanka nabadeynta ee Xoghayaha Guud ee Jamciyaddaasi, Antonio Guterres.
Ilwaad Elman ayaa shegtay in waxyaabaha looga bahan yahay ay tahay in ay talooyin ka bixiso sidii dib u hehsiisiin loogu sameyn lahaa Bulsahda Soomaaliyeed ee mudada dhowrka Sano ah dagaalada ku jirtay.
Sidoo kale sidii looga faa’iideysan lahaa deeqaha Caalamka suu siiyo Soomaaliya iyo Shaqa abuur loo sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed.
Ilwaad Elman ayaa ah qofkii ugu horeeyey ee soomaaliyeed waliba dhalinyaro ah oo xilkaas loo Magacaabay.