Ciidamada NISA oo rasaaseeyey Gaari uu watay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka
War Goordhow soo gaaray Radio Dalsan ayaa waxa uu sheegayaa in ay Muqdisho qeybo ka mid ah isku rasaaseyeen Ilaalada Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka tirsan golaha Shacabka iyo ciidamo ka tirsan NISA.
Is rasaaseyntaas ayaa timid kadib markii Gaari nooca aan Xabada Karin ee loo yaqaano(Buruf) ee uu watey xildhibaanka la rasaaseeyey kadib markii uu dhaafay koontoroolka ay ciidamada Nabadsugida ku leeyihiin Viat,waxaan halkaasi ka dhacday is rasaaseyn kooban.
Gaari nooca dagaalka ah oo uu leeyahay Xildhibaanka ayaa intaasi kadib soo gaaray goobta,isaga oo geliyey Xildhibaanka iyo Ciidamadii kale ee la socday.
Majiraan wax khasaaro ah oo ka dhashay is rasaaseyntaas sida aan Wararka ku helnay,weli xildhibaanka kama hadlin dhacdadaas.