Qaar ka mid ah ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la sheegay in habeenkii xalay ahaa ay rasaas ku fureen Gaari uu watay Agaasimaha Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada & Ciyaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Cabdi Kariin Maxamed Xiireey xili uu marayay Afaafka Hore e Irida Beerta Nabada.
Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha iyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dalsan u xaqiijiyay dhacdadaan.
Agaasimaha ayaa la sheegay in rasaasta ay ku fureen Gaarigiisa uu ka soo gaaray dhaawac culus,kaas oo lagu sameeyay qaliin deg deg ah si xaaladiisa Caafimaad loola tacaalo.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in uu aad u dhiigbaxay, isla markaana Eheladiisa qaar ay u gurmadeen sidaasna dhiig loogu shubay.
Weli falkaan oo ahaa mid Ciidamada ilaalada madaxtooyada ay ka shakiyeen Gaariga uu watay Agaasimaha sidaasna ay rasaasta ugu fureen kama hadlin Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Madaxtooyada Soomaaliya.