Xamiid C/talebi oo ah La-taliyaha Madaxweynaha Iiraan waxa u umaanta sheegay in Kulan kasta oo ay Maraykanka la yeeshaan ku xiran tahay in dib loo soo celiyo Heshiiskii Nukliyeerka Iiraan ee la saxiixay sannadkii 2015-kii, kaasi oo ay Dowladda Maraykanka qaadacday bishii May ee la soo dhaafay..
Qoraal uu La-taliyahaasi soo dhigay Barta uu ku leeyahay Twitter-ka waxa uu ku sheegay in  Wada-hadalka uu ku baaqay Madaxweynaha Maraykanka suurto-gal noqon karto haddii la xushmeeyo dalka weyn ee Iiraan, la yareeyo Colaadda iyo inay Maraykanka ku soo laabtaan Wada-xaajoodka Heshiiska Nukliyeerka Iiraan.
Hadalka La-taliyaha Madaxweynaha Iiraan waxa uu jawaab u ahaa Hadalkii uu Madaxweyne Donald Trump ku sheegay inuu doonayo inuu la kulmo dhigiisa Iiraan waqti kasta oo la doonayo shuruud la’aan