Golaha Wasiiradda ee Urur-gobaleedka IGAD waxay shalay Shir wada-tashi ah ku yeesheen Xarunta Dhexe ee Ururka Midowga Afrika ee ku yaalla caasimadda dalka Ethiopia ee Addis Abeba.
Shirkaasi waxaa shir guddoomiyey Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Ethiopia, ahana Guddoomiyaha Golaha Wasiiradda ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, waxan ka wada qeyb galay Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dalalka Somalia, C/salaam Hadliye, Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, Sudan, Prof. Ibrahim Ghandour, Uganda, Sam Kutesa, Kenya, Amina Maxamed iyo Xoghayha Guud ee IGAD, Maxbuub Macallim.
Qoddobadda muhiimka ee looga hadlay Kulankaasi ayaa ahaa Xaalladda Samafalka Aadminimo, Macluusha, Ammaanka Gobalka iyo Horumarka Hawlgalladda Ammaanka ee Somalia iyo South Sudn.
War-murtiyeed ka soo baxay Golaha Wasiiradda ee Urur-gobaleedka IGAD waxay ku bogaadiyeen guusha laga gaaray Doorashaddii Somalia oo ay sheegeen inay ahayd Tallaabo Taariikhi ah.
Goluhu waxay hoosta ka xariiqeen baahida muhiimka ee loo qabo in la sii wado Taageeradda Hawlgalka Somalia, waxayna ka digeen tallaabo kasta oo lagu yareynayo Taageeradda Beesha Caalamka oo saamayn toos ah ku yeelan kart Xaalladda Ammaanka ee Somalia.
War-saxaafadeedka waxay kaloo ifiyeen bahida loo qabo Xoojinta Ciiddanka Ammanka ee Somalia, taasi oo xal wanaagsan u noqonaysa inay la wareegaan Ammaanka Somalia.
Golaha Wasiiradda IGAD waxay kaloo ku baaqeen in la fuliyo Ballanqaadyadii laga sameeyey Shirarkii Arrimaha Somalia ee lagu kala qabtay magaallooyinka Brussels iyo Istanbul, iyagoo baraarujiyey kuwa aan weli Ballanqaadkii Dhaqaale siinin Somalia.
Sidoo kale, Â Golaha Wasiiradda ee IGAD Â waxay ku heshiiyeen inay oggolaadeen inay Mowqif Mideysan ka istagaan Shirka Arrimaha Somalia ee bisha May ka furmi doona magaalladda London.
Ugu dambeyntii, War-saxaafadeedka ka soo baxay Shirka Wada-tashiga Wasiiradda Arrimaha Dibedda ee dowladaha xubnaha ka ah Urur-gobaleedka IGAD waxay ku xuseen in Shirka Madaxda IGAD ee ay bishan March 25-da ku yeelan doonaan magaalladda Nairobi, Â looga hadli doono Arrimaha Qaxootiga Somalia, Muhaajiriinta iyo Xaalladaha Ammaanka ee dalalka Somalia iyo South Sudan.
©Radio Dalsan