Hay’adda Laanqeyrta Cas Caalamiga ee ICRC   ayaa codsatay 400 million oo Dollar si loogu caawiyo Malaayiin qof oo qarka u saaran macluul, kuwaasi oo ku nool dalalka Somalia, Yemen, South Sudan iyo Nigeria.
Hadal-qoraal oo ay Hay’adda ICRC ka soo saartay Xarunteeda Dhexe ee magaalladda Geneva ayey ku sheegtay inay doonayaan inay sare u qaadaan Taageeradda iyo rajada si garghaar muhiim ah loo gaarsiiyo ku-dhawaad 5 million oo qof.
Agaasimaha Hawlgalladda ee ICRC, Dominik Stillhart ayaa sheegay in 20-million oo qof soo wajahayso Gaajo, wuxuuna xusay inay Somalia iyo Yemen macluusha si xun looga dareemi doono 3 ilaa 4 bilood gudaheeda, ka hor intaysan  macluusha saldhiginin dalalkaasi.
Â
Mas’uulkaasi waxa kale oo uuka digay macluusha ka jirta dalka South Sudan iyo nafaqo-darradda daran ee ka jirta W/bari Nigeria.
©Radio Dalsan