Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo dhaweysay Warbixinta cusub ee Khabiirka madaxa-bannaan ee Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Somalia, Bahame Nyadunga, oo uu ku sheegay inay jiraan caddaymo muujinaya in horumar laga sameeyey xaalladad Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.
Human Rights Watch waxay ku boorisay Xafiiska Wakiilka Sare ee QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha (The Office of the United Nations High Commissioner for Human Rights) Â inay bilaabaan diiwaan-gelinta Dembiyadda khatarta ee Caalamiga ee ay ku kacaan dhamaan dhinacyadda ku lugta leh colaadaha gudaha Somalia
Human Rights Watch waxay kaloo ugu baaqday Khabiitka Madaxa Bannaan inuu awoodiisa u adeegsado si uu u dhiiri-geliyo in xukuno caddaalad leh lagu qaado kuwa geysta rabshadaha Kufsiga.
Hay’adda Human Rights Watch waxay sheegtay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin hubaal ka dhigaysa dadaalka lagu dhisayo Hay’addaha Dowladda Federalka,xaqiijinta Badbaadinta dadka Rayidka , xushmeynta Xuquuqda Asaasiga iyo Waxqabadka xadgudubyada.
Waxay kaloo sheegtay inay dadka rayidka weli la kulmaan dhibaato dhinaca Hawlaha Samafalka iyo Xaalladda Xuquuqda, waxayna ku eedeysay Ciiddanka Dowladda Federalka, Maleeshiyooyinka Qabaa’illadda iyo Alshabaab inay geystaan dilal aan sharci ahayn, waa sida ay hadalka u dhigtay..
Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay dagaalladda u dhexeeya Beelaha ku salaysan yihiin kuwo ku xiriirsan Arrimaha Kheyraadka iyo Awood-qeybsiga Siyaasadda.
Human Rights Watch waxay ugu baaqday DFS iyo Maamul-gobaleedyada inay wax ka qabtaan Falalka Kufsiga iyo in Dembiilayaasha lala xisaabtamo. Lana soo taago Maxkamadaha.