Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa soo saartay Warbixin ay ku bidhaamisay Tacadiyadda aan waxba laga soo qaadin ee dilalka ka dhaca Ismaamulka Soomaalida Ethiopia.
HRW waxay sheegtay inay Dowladda Federalka Ethiopia ku fashilantay in lala xisaabtamo Ciiddanka u tababaran sida Milliteriga ee Liyuu Bolis, kuwaasi oo sannadkii hore dilay ugu yaraan 21-qof oo Tuullo-joog ah.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xubno ka tirsan Liyu Bolis ay bishii June 5-dii ee sannadkii hore galeen Tuulladda Jaamac Dubad ee Deegaanadda Is-maamulka Soomaalida-Ethiopia, kadib, markii Sarkaal lagu dhaawacay muran u dhexeeyey Ganacsatadda Deegaanka.
Warbixinta HRW ayaa lagu sheegay in ay Ciiddankii Liyu Bolis bilaabeen Toogasho aan loo kala abo yeelin, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 14 rag iyo 7 haween, waxayna Boliska bililiqeysteen Dukaamadii iyo Guryihii ku yaallay Tuulladaasi.
HRW waxay muddadii u dhexeysay December iyo February ee sannadkan wareysi la yeesheen 31 qof oo deggan Tuulladda Jaamac Dubbad iyo kuwo kale oo deggan Tuullooyinka ku dhow-dhow, oo ay ku jiraan 10-qof oo goob-joog u ahaa dhacdadii dilalka ee bishii June 5-dii, kuwaasi oo u qarxay Somaliland.
Wiil yar oo 5 bilood jir ah ayey xabbad kafa dhacday Lugt intii ay socdeen Toogashadii ka dhacday Tuulladda Jamaac Dubbad.
Wiilkaasi yar hooyadiisa iyo ayeeydiisa waxaa lagu dily Shil dhacay bishii December ee sannadkii hore.
HRW waxay sheegtay in 9 Bilood kadib, dadkii ka badbaaday Weerarkaasi u sheegeen inaan wax baaritaan ah lagu samynin dilalkaasi, isla markaana aysan helin wax mag-dhow ah.
Dowladda Ethiopia waxay Ciiddanka Liyu Bolis ka dhiseen Ismaamulka Soomlida Ethiopia sannadkii 2007-dii, kadib, markii uu iska horimaad dhex mareen Ciiddanka Dowladda Ethiopia iyo Dagaalamayasha Jabhadd ONLF.
©Radio Dalsan