Hadal-qoraal oo ay Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch soo saartay ayey ku sheegtay inay hayaan caddaymo muujinaya inay Ishaysiga Milliteriga geysteen weerarkii bishan March 16-dii lagu dilay Qaxooti Soomaali oo la socotay dooni maraysay meel ka baxsan Xeebaha Yemen.
HRW oo Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda New York ee dalka Maraykanka ayaa sheegtay inay dhowr Goobjooge u sheegeen inay Diyaarad Helikopter tacshiirad ku furtay Qaxootiga Soomaalida ee la socday Doonida, waxaana halkaasi ku geeriyootay ugu yaraan 32 Qaxooti Soomaali ah oo ka midahaa 145 Qaxooti la socotay doonidaasi oo ku sii jeeday Xeebaha dalka Sudan.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay in weerarkaasi lagu dhaawacay 29-qaxooti oo ay ku jireen 6 carruur ah, halka in ka badan 10-kalena la la’ yahay.
Sawiro laga qaaday doonida la weeraray ayaa waxaa ka muuqday dhaawacyo ka soo gaaray Rasaas kaga timid weerar diyaaradeed.
Mid ka mid ah Shaqaalihii Doonida oo u dhashay dalka Yemen ayaa u sheegay HRW in doonida lagu weeraray meel ku-dhawaad 50-KM ka baxsan Xeebta Dekedda Xudeyda
Warbixinta HRWÂ waxaa lagu sheegay inay Isbahaysiga Sacuudiga hoggaamiyo haystaan Diyaaradaha Dagaalka, halka ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta haysanin wax Diyaarad ah.
Dowladda somalia oo taageertay Isbahaysiga Milliteriga Sacuudiga ee dagaalka kula jira Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay Isbahysiga inay baaraan weerarka lagu dilay Qaxootiga Soomaalida, balse, Isbahaysiga waxay ku celceliyeen inaysan doonaynin in Baaritaan Madax-bannaan lagu sameeyo Tacadiyadda ay geystaan.
Agaasime-Gobaleedka HRW ee Bariga Dhexe, Sarah Leah Whitson ayaa sheegtay in weerarka ay Isbahaysiga Sacuudig la beegsadeen Doonida ay Qaxootiga Soomaalida ka buuxaan tahay falkii ugu dambeeyey ee u muuqda Dembi-dagaal (War Crime) ee ay geysteen dagaalka labada sanno ka socda dalka Yemen.
Tan iyo markii uu bilowday Dagaalkaasi maanta oo kale bishii March 26-dii ee sannadkii 2015-kii, waaxa lagu dilay ugu yaraan 4,773 qof oo Rayid ah, waxaana lagu dhaawacay 8,272 qof, sida lagu caddeeyey Xafiiska Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha.
©Radio Dalsan