Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya weeraro bambaano oo lagu qaaday Guriga Xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqare oo ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle kaas oo ku yaalla Magaalada Jowhar.
Sida ay xaqiijiyeen Ehelada xildhibaanka,ayaa xiliga la weerarayay uu Guriga ka maqnaa isaga oo ku sugnaa Muqdisho, balse ay ku dhaawacmeen Xaaskiisa iyo mid ka mid ah ilaalada Guriga.
Saraakiisha ammaanka Degmada Jowhar ayaa waxa ay Warbaahinta u sheegeen dadkii ka dambeeyay falkaasi inay ka baxsadeen goobta, markii xalay ay ku tureen Bam gacmeedka hooyga Xildhibaankaasi.
Ilaa iyo hadda majirto cid sheegatay masuuliyada weerarka bambino ee lagu qaaday Hoyga Xildhibaanad Daqare uu ka degan yahay ee Magaalada Jowhar.