Wararka aan ka helayno Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa ku warramaya in Saaka uu howlgal ballaaran ka socdo Magaaladaasi, waxaana Gudaha Kismaayo lagu arkayaan Ciidan kala duwan oo Boolis iyo Nabad Sugid isugu jira oo howlagallo ka wada Magaaalada.
Howlagalkaan ayaa la sheegay in uu la xariiro Weerar Bom-gacmeedyo ah oo xalay lagu weeraray Guddoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Jubbaland Cabdi Baaleey.
Goobjoogayaal ayaa kusoo warramaya in ay Saaka kismaayo ku arkayaan Ciidmo kala duwan oo Boolis u badan oo Mgaalada Howlagal ka wada, waxaana si gaar ah ay ugu raad joogaan dableydii Xalay weerartay Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Maamulkaasi.
Weerarka Xalay lagu Qaaday Mas’uulkaasi ayaa waxaa ku waxyeelobay Qoyskiisa, iyadoo warar hoose oo soo baxaya ay sheegayaan in Seddex ruux oo ka tirsan Qoyska Guddoomiyaha lagu dhawaacay, mana jiraan khasaare kale oo laga soo wariyay dhacdadaasi.
Guddoomiyaha ayaa weerarka ka bad-baaday, wax waxyeelo ahna kama soo gaarin guddoomiyaha, kooxdii weerarkaas gaystay ayaaa goobta ka baxsaday, waxaana saaka socda Howlgal lagu baadi goobayo dableydii la sheegay in ay weerarkas ka dambeyeen.
Habeenka ka hor waxaa Baardheere lagu weeraray mas’uul ka tirsan Jubbaland,w axaana dhawaanahaaan soo badanaya dilalka iyo weerarada lagu qaadayo mas’uuliyiinta ka tirsan Maamulkaasi Jubbaland.